March 25, 2010 Leave a comment
shacabka degmada widhwidh oo midnimadooda muujiyay isla markaana ka soo horjeestay shirkii iyo wax yaabihii ay kala saxeex deen maamulka faroole iyo qaar katirsan isimada ssc
March 25, 2010 Leave a comment
| Written by buuhoodleguys.ning.com |
| Wednesday, 24 March 2010 09:33 |
| Widhwidh(Jidbaale.com):-Shacabka degmada Widhwidh ee gobolka Cayn ayaa todabadkan mudaharaad ay kaga soo horjeedaan heshiis gacantugaalayn ah oo lagu saxeexay madaxtooyada Garoowe isugu soo baxay.
Shacabka degmada Widhwidh ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid lagu minjaxaabinayo midnimada SSC , Puntland oo hore wax u qaban weydayna lagu tagaeerayo, waxayna dhaliileen guud ahaan madaxdhaqameedkii wax ka saxeexay Gaar ahaan Garaad Abshir oo ay u soo jeediyeen in uu mawqifkiisa wax ka badelo, waxa kale oo ay dhaliil xoogan shacabku u soo jeediyeen maamulka Puntland madaxdiisa sida Faroole iyo C/samad Cali Shire oo ay ku tilmaameen rag gabay kaalintoodii. Shacabka SSC ayaa ku gacan saydhay heshiiskii lagu saxeexay madaxtooyada Garoowe iyaga oo ku tilmaamay heshiis aan dani ugu jirin shacabka SSC, taas oo ku kalifatay markii danbe in madaxdhaqameedkii saxeexay heshiiskaas bulshada SSC ka iibin kariwaayaan , taasina ay keentay in ay 22.3.2010 Magaalada Buurawadal ka sheegaan in ay hawsha ku wareejiyeen golaha Khusuusiga , hasa yeeshee wali waxaa socda isku dayo ay wadaan maamulka Puntland kaas oo ay ku rabaan in ay ku kala jibayaan madax dhaqameedka oo ay samaystaan rag waxay donayaan ay dhexmarsadaan. Shacabka degmada Widhwidh ayaa taageero balaadhan u muujiyey Golaha Khusuusiga ee hadda fadhigoodu yahay Buurawadal. Jidbaale.com jidbaale.com@gmail.com |

